Root Samsung Galaxy C7 SM-C7000 6.0.1

0
1297

Waxaan inta Badan Aragnaa Marka aynu Dooneyno inaan Wax kabadal ku Samayno Mobile Phones ka aan isticmaalayno si aan u Hormarino Barnaamijyada Ku jira ama inaan ku Kordhino Kuwo Cusub in Arinkaas uusan Hirgelin Taas oo Sabab u ah In Mobile Phones ka uu u Baahanyahay Wax La yiraahdo Root kaas oo Muhiim u ah Waxka Badalka Mobile kaaga.

Hadaba Waxaa is waydiin u Baahan Sidee loo Root gareeyaa Barnaamij noocee u Baahantahay oo si Quman kugu Shaqeeyn kara.

1-Waa inaad ogtahay Barnaamijka Android ka version ka Kugu jira Mobile kaaga.

2-Soo Dejiso Usb Drivers ka Mobile kaaga Noociisa kuna duubo Computer kaaga.

3-Soo Dejiso Barnaamijka Odin Version ka ugu Dambeeya

4-Soo Dejiso File ka team win recovery projec (TWRP ) Nooca Mobile kaagu Yahay.

5-Soo Dajiso File ka Root ka kuu sameeynaayo ee Supersu Midka Kugu Haboon.

Intaas aan Soo sheegay Markaad Sameeyso Raac Talaabooyinka soo socda

1-Waxaad iskumar Qabataa Volume Down + Home Boton +Power Waxaa kuu soo baxeeysa Sida Sawirka hore Kaaga Muuqata Kadib Riix Volume Up Waxaa Kuusoo Baxeeysa Sida ka Muuqata Sawirka Labaad Markaa kadib Ku xir Computer ka.

 

Waxaad soo kicisaa Barnaamija Samsung Flasher Odin

Ka soo Dooro Fille ka TWRP Meesha aad Dhigatay oo soo geli godka AP

Markaa Kadib Start Taabo ilaa Shaqada Ka Dhamaato

Dib usoo kici adigoo isla Qabanaaya halmar volium Down +Home Boton+ Power

Markuu Sameeyo Dareen Soo Kicitaan sii daa Volume Down ka Dhaqsi u Qabo Volume up

Waxaa uu ku soo kacaayaa TWRP kaas oo ah Wejigii Koowaad aad ugu Gudbi lahayd inaad kasoo Dhex doorato File ka kuu dhexyaala Swipe dheh.

Waxaa Xiga inaad tiraahdid Install waxaa halkaas kaaga furmi doona wejigii Xigay ee soo doorashada File ka aad rabtid.

Markuu kuu FurmoWejiga labaad kadibna Waxaa kuu soo Baxaaya update Supersu root file ka dooro isaga si Shaqada u Bilaabato

Wejiga Sedexaad Swipe Dheh sug waxyar inta uu shaqada ka dhameeynaayo.

Waxaa kuusoo Baxeeysa labo optione oo kala ah Wipe oiyo Reboot

Marka hore Wipe Dheh Markuu Dhameeysto Wipe ka Reboot Dheh

Kushub Mobile ka Root Chacker Apps kadibna Check Dheh Halkaas ayaad ka arkeeysaa Shaqaadii aad soo Qabatey Natiijadeeda oo ah Rooted

Shaqo Wanaagsan

 

 

Digniin

Inta Badan Haduu Mobile kaagu Original ahayn Root Ma yeelaayo Waxaa laga yaabaa in uu soo Kici waayo Markaasna Waxaad u baahan,doontaa in aad Dib Firmware ka uga Bedeshid